Cali Guudlaawe oo soo saaraya Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare lana kulmay Guddi Doorasho (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa maanta kulan la qaatay Gudiga Baarlamaanka Hirshabeelle ee qaban qaabinaya Doorashada Aqalka Sare.

Madaxweynaha ayaa Gudiga Kala hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa ku jira latashiyadii ugu dambeeyay uu kusoo saarayo liiska Musharaxiinta u tartamaya doorashada Senatarada Aqalka sare ku matayala Hirshabelle.

Liiska musharaxiinta u tartameysa Aqalka Sare ayaa laga yaabaa in laga saaro Senataro Hirshaballe hada ku matala Aqalka Sare halka la filayo in lagu soo daro xubno cusub ay wataan Villa Soomaaliya iyo Musharaxiinta mucaaradka qaarkood.

- Advertisement -