Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa daqiiqado yar kahor xiliga salaada maqrib qarax jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isgooska Bakaaraha ee Degmada Hodan.

Sida uu noo xaqiijiyay sargaal katirsan booliiska Soomaaliya qaraxan oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa ka dhacay agagaarka Isgooska Bakaaraha gaar ahaan kaalin shidaalka lagu iibiyo oo lagu magacaabo Hass Gas.

Qaraxan oo si weyn looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uusan geesan wax khasaaro nafeed ah, waxa uuna qaraxan bur bur gaarsiiyay darbi kuyaala halka la dhigay.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya mudooyinkan dambe qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka , qaraxyadan ayaana inta badan lala eegtaa gaadiidka ciidamada iyo kuwa loo maleenayo in masuuliyiin la socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dowlada Somalia oo ka farxisay dhalinyaro ku rafaadsan dalka Liibiya

Caydiid Ali

Dowladda oo saakay Muqdisho ka musaafurisay Wariye Caan ah iyo Waxa lagu heesto

Cabdi Cade

Mahdi Guuleed oo lagu eedeeyey inuu boob ka wado ka kuraasta gobolada Woqooyi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---