Ismariwaaga u dhaxeeya Farmaajo iyo Mucaaradka oo abuuray caqabado hor leh

Mucaaradka Soomaaliya ayaa wajahay dib u dhac siyaasadeed oo culus kaddib markii uu ku baaqay in la dhiso “Gole Badbado Qaran” oo ku meel gaar ah xilli xilhayntii hay’addaha dastuuriga ah (baarlamaanka iyo madaxtooyada) ay dhammaadeen (December 27, 2020 iyo February 8, 2021). Qalalaasaha siyaasadeed waxuu walaac geliyey dunida, waxaana laga yaabaa inuu dhaawici doono danaha dalka haddii aan si dhaqso leh maaro loogu helin.

Ma aha markii ugu horreysay oo doorasho dib u dhacdo sabaabo kala duwan awgood. Afhayeenka Waaxda Dibedda ee Mareykanka oo sheegay walaaca dalkiisu ka qabo heshiis la’aanta doorashooyinkii laga filayay Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijiyay digniintii Danjire Donald Yamamoto ee ahayd, “Yaan la samayn nidaam isbarbar yaac [Gole badbado iwm] ; amase la qaban doorasho gaar ah [koox samayso]”.

Marka fara-isku-fiiqa siyaasiyiinta meel layska dhigo, caqabada ugu weyn ee hortaal mowqifka mucaaradka ayaa ah sharciyad la’aan. Wareysi uu bixiyey Wakiilka Qaramada Midowbay u fadhiya Soomaaliya James Swam ayuu ku sheegay in dowladdu ay haysato sharciyad adag, balse cawaaqibta siyaasadeed ee xiisadda aan la garan karin.

Dastuurka dalka waxba kama sheegayo xaaladda lagu sugan yahay, mucaaradkuna waxuu ku murmayaa sharciyadda uu ku joogo madaxweynaha xilka haya. September 26, 2020 labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa cod aqlabiyad leh (aqalka hoose 215 cod, kan sare 40 cod) ku ansixiyey qaraar hay’adaha dastuuriga ah ay ku sii simayaan howlaha qaran kuwii beddeli lahaa, si dalku aysan uga dhicin faaruq awoodeed (power vacuum).

Su’aasha dad badan madaxooda ka guuxeysa ayaa ah, xaggee looga dhaqaaqi doonaa jahwareerka siyaasadeed?

Wadahadalladii ku dhexmaray magaalada Dhuusamareeb February 3, 2021 dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada loogana heshiin lahaa goobaha iyo taariikhda doorashooyinka dadban ayaa fashilay.

Madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxay ku dooddayaan in dowladda aysan samayn tanaasul ku filan in la hirgeliyo heshiishkii September 17, 2020 halka, mucaaradku uu isna ku dooddayo in qaraarka baarlamaanka ee September 26, 2020 uusan caddeyn dabadana ka riixayo muddo kordhin aan la cayimin.

Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibedda ee Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa mucaaradka Soomaaliya ku sheegay inay halis ku yihiin guulaha siyaaasadeed iyo dhaqaale ee shacabka Soomaaliya halganka adag uu u soo galeen tobankii sanadood ee la soo dhaafay, taas oo xasilloonidii guud ee dalka gelisay khatar weyn.

Su’aal si weyn loo hadal hayo ayaa ah in argagixisadu u rogi karto gacan ka hadal halis geliya nabadda xiisadda siyaasadeed. Nasiibdarro, dhammaan madaxweynayaashii hore oo uu Madaxweyne Farmaajo ka mid yahay kuma dhiiran dibuhabeynta garsoorka, waxayna ku fashileen inay dhisaan maxkamad dastuuri ah amase ay qabya tiraan dustuurka.

Sababtaas awgeed, Madaxweyne Farmaajo waxuu ku qasbanaadey inuu February 5, 2021 hortago xildhibaannada aqalka hoose ee baarlamaanka kana codsado inay go’aan ka gaaraan masiirka doorashooyinka dalka, kaddib markii uu caddeyey in madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland lala gaaro heshiis aysan u muuqan mid macquul ah.

Golaha Amniga QM ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida in laga wada shaqeeyo danaha dalka si loo gaaro is-afgarad ku saabsan qabanqaabada qabsoomidda doorashooyin loo dhan yahay sida ugu dhaqsaha badan.

Inkastoo aan laysku diiddanayn in la wada kulmo, haddana waxaa muuqata in siyaasiyiinta Garoowe ay ka walbahaarsan yihiin in Farmaajo uu Isimmada Puntland hortood ku gartamo. Mudane Saciid Cabdullahi Dine waxuu helis ugu jiraa inuu ka mid noqdo qaswadayaasha hortaagan heshiiska doorashooyinka.

Dabcan, Madaxweyne Farmaajo waxuu u baahan yahay inuu fahmo in hadda, laga yaabo inuu yahay dookha dadweynaha, balse taasi ay isbeddeli karto maalmo gudahood.

Walow baarlamaanka uu meesha ka saaray in muddo kordhin loo sameyn karo madaxweynaha xilka haya, damac noocaas ahna uusan ka marneen madaxtooyadda, haddana si loo hirgeliyo doorasho nooca ay doonto ha ahaatee, waxaa lama huraan ah in “muddo kordhin farsamo” la sameeyo. Waxaa suuroggal ah in taas ay sababto muran hor leh.

Isku dayga in la hakiyo gorgortanka hirgelinta doorashooyinka amase kulanka uu noqdo mid aan lagu guuleysan waxay soo deddejin doonaan in Baarlamaanka uu dalka u dooro mid ka mid ah khiyaar-gelintii doorashada qof iyo cod ee Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxabanaan ee Qaranka (GDMQ) ay soo hordhigtay xildhibaanada xagaagii dhawaa.

Casharka laga bartay xiisada taagan ayaa ah: (1) Inay lama huraan tahay dhismaha maxkamad dastuuri ah; (2) In doorashada dambe laga billaabo dowladaha hoose (city municipality); iyo (3) In muddo xileedka madaxweyne lagu xaddido laba xilli keliya balse la kordhiyo muddada xilhaynta lana gaarsiiyo 5 sanadood halka ay hadda ka tahay 4 sano keliya.

Xiisadda siyaasadda ayaa ku soo beegantay waqtigii ugu xumaa, iyadoo dalka la halgamayo sidii uu u xakameyn lahaa aafada caabuqa covid-19, iyo faragelinta shisheeyaha. Runtii waxaa ah qalad aan la cafin karin in dalka lagu mashquuliyo qalalaase siyaasadeed iyo dano shaqsi, xilli garta dacwada badda ee hortaal maxkamaddii ICJ la filayo in dhagaysto (March 15 -19, 2021) si qaraar laga gaaro.

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -