Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xildhibaan Kenyan ah oo qoray la galay fadhiga Baarlamaanka iyo argagax ka dhashay

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa cabsi weyn ay soo wajahday kaddib markii gudaha Baarlamaanka lagu arkay Xildhibaan ku hubaysan Qori.

Elisha Odhiambo oo ka tirsan xubnaha Baarlamanka ayaa ku wargaliyay Gudoonka baarlamaanka inuu arkay wax u eg qori kuna jira jaakada xildhibaan Maxamed Cali oo ah xildhibaan laga soo doorta degmada Nyali.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya Justin Muturi, ayaa Cali ka codsaday inuu xaqiijiyo inuu qori wato iyo inkale “Iga raali ahaada, waan hilmaamay inaan qoriga banaanka uga soo tago, waxaan ahay bini aadam, ayuu yiri Ali oo ka dib banaanka u baxay, qorigana meel soo dhigtay.

Cali ayaa ku eedeeyey xildhibaan Odhiambo inuu arrintan si khaldan u faafiyay, ayna tahay mid siyaasadeysan, maadaama ay labaduba taageerayaan dhinacyo iska horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadahadal weli u socda Xamaas iyo Israel, xili uu dib u bilowday dagaalka

Caydiid Ali

Somaliland oo gorgortan kula jirta dowlad labaad oo dooneysa in la siiyo saldhig milateri

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Khayre & Wafdigiisa oo loo dalxiis geeyey degaanka Goob-weyn (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---