Allbanaadir.com
NEWS

Max’ed Xaashi Carabey oo aqbalay codsi uga yimid Madaxda dowlada Soomaaliya (Akhriso)

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo ka mid ah Madaxda is khilaasfan ee Galmudug ayaa isaga oo ku sugan Cadaado waxaa uu sheegay in codsiga dowladda ee ah in shir loo qabto Madaxda Galmudug uu soo dhaweynayo.

Qoraal uu soo saarey ayuu ku sheegay in markii hore ay iyaga dalbadeen in madaxda khilaafka uu ka dhaxeeyo ee Galmudug la dhex dhexaadiyo taasina ay dowladdu ka jawaabtay, isla markaana isaga iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ay soo dhaweynaayan shirkaas oo dowladu sheegtay in la qabanayo beri oo taariikhdu tahay 30-ka bishan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ugu baaqay maalmo ka hor madaxda Galmudug ee is khilaafsan inay isugu yimaadaan shir deg deg ah oo lagu dhex dhexaadinayo.

Qoraalka uu soo saaray Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa u qornaa sidatan:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia & Turkiga oo kala saxiixday heshiis la xiriira dhinaca difaaca (Sawirro)

Caydiid Ali

Dad badan oo ka cabsi qaba Taliban oo cagahooda uga baxsanaya Afganistan (Sawirro)

Cabdi Cade

Yaa iska leh dayuurada aan duuliyaha laheyn ee Milateriga Iran ay soo rideen?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---