Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka oo qarka u saaran inuu labo garab u kala jabo

Saraakiil horey xilal u soo qabtay oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kuwaasoo u arka xisbiga inuusan dooneyn inuu ka horyimaado Donald Trump iyo isku dayga uu ku waxyeeleynayo dimoqraadiyadda Mareykanka ayaa ku guda jiraa wadahadallo ay ku dhisayaan xisbi cusub oo siyaasaddiisa tahay midig-dhexe.

Wada-hadalladan oo billow ah ayaa waxaa ku lug leh xubno horey xilal uga soo qabtay maamullada madaxweynayaashii hore ee Jamuuriga sida Ronald Reagan, Gearge H.W Bush, George W. Bush, iyo Donald Trump, safiiro iyo xubno kale.

Inka badan 120 ka mid ah xubnahan ayaa Jimcihii wada-hadallo ku yeeshay aaladda Zoom-ka ayaga oo ka wada-hadlay sidii ay u dhisi lahaayeen xisbi cusub oo aaminsan “mabaadi’da siyaasadda midigta,” oo ay ka mid tahay ilaalinta dastuurka iyo sharciga – fikradahaas oo ay sheegeen inuu qashinka ku tuuray Trump.

Xubnahan ayaa sheegay inay aad uga yaabeen in inta badan xubnaha Jamhuuriga ee Congress-ka ay taageereen Trump kadib weerarkii 6-dii Janaayo, ayaga oo diiday dacwadda xil-ka-xayuubinta ee ka socota Senate-ka.

Wada-hadalladan ayaa iftiiminaya muranka ka dhex oogan xisbiga Jamhuuriga ee ka dhashay sheegashadii beenta aheyd ee Trump uu ku dooday in doorashadii 2020 la qiyaameeyey, iyo weerarkii ka dambeeyey ee 6-dii Janaayo lagu qaaday xarunta Congress-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -