Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo magacaabay la taliyaha cusub ee arrimaha..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdirisaaq Cismaan Xasan “Juurile” in uu noqdo Lataliye Sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Porf. Juurile uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliyeed, duruufaha ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib u dhiska qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha sare ee dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Lataliye Cabdirisaaq Cismaan “Juurile” ayaa horey u soo qabtay xilal Wasiirnimo oo heer Federaal ah, waxa uuna ka soo mid noqday labada Aqal ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu ka soo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladdnimada iyo bulshada.

Related posts

Abwaan Caan ah oo lagu eedeeyay in Caasi waalideyn yahay oo saakay xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Hay’addda Hormuud Salaam Foundation oo 1,500 oo haamood oo Oksajiin ah ku wareejisay Isbitaalka Martiini (Sawirro) 

Cabdi Cade

Ciidamadii Badbaado Hiiraan oo laga saaray Belad-weyne ka dib heshiis la gaaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---