Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo shir kale iskugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Filsan C/llaahi oo iska casishay golaha Wasiirada ee Xukuumada Itoobiya (Sababta)

Caydiid Ali

Gaari nooca xamuulka ah oo dad badan ku laayey isgoys ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Taliska PSF oo goordhaw war xasaasi ah kasoo saaray dagaalka Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---