Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Boqolaal qof oo ku dhintay mashaqo ka dhacday dalka India

Kooxaha gargaarka degdega ah ayaa wada dedaalo ay ku soo badbaadinayaan dad gaaraya 200 oo qof oo ay sameeyeen daadad ku fatahay waqooyiga dalka Hindiya gaar ahaan gobolka Uttara-khand.

Ilaa hadda waxaa la soo helay maydadka 18 qof, dad ka badan 30 qofna waxay ku xanniban yihiin goob ay ku duntay dhoobo iyo haraaga walxo soo dumay.

Rajada laga qabo in dadka la la yahay nolol lagu helo ayaa saacadna saacada ka dambeysa sii yaraaneysa.

Waxaa deegaankaasi ku burqaday baraf iyo daad harqiyay harooyin halkaasi ku yiilay maalintii Axada ee aynu soo dhaafnay sida madaxda gobolku sheegeen.

Ciidanka dowlada India ayaa caawinaya dadaalka gurmadka ee la wado waxayna raashin u qeybinayaan dadka mashaqdan ka badbaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Africa oo is-casilaya iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Wajiga labaad ee Shirka Isla Xisaabtanka Xukuumada Somalia oo furmay (Daawo Sawirada)

admin

Rag qaraxyo la beegsaday Saraakiil ka tirsan ciidanka XDS oo la qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---