Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Filsan C/llaahi oo iska casishay golaha Wasiirada ee Xukuumada Itoobiya (Sababta)

Wasiirkii Arrimaha Haweenka Ethiopia Filsan Cabdullaahi ayaa maanta xilkaasi iska casishay iyadoo aan sheegin sababta ay xilka uga degtay.

Filsan oo ka soo jeeda degaanka Soomaalida ayaa ahayd masuukii ugu horreeyey heer federaal ee qirta inuu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday

“Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda’ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,” ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan Cabdullaahi Axmed.

Is-casilaaddeeda ayaa timid toddobaad ka hor xilliga lagu wado in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub.

“Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.” ayey intaas ku dartay.

Filsan kama jawaabin codsi loo diray maanta oo ku saabsanaa inay faah-faahin dheeri ah ka bixiso sababaha ay xilka iscasishay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaaraha Somalia oo amaro culus ku soo rogay Golihiisa Wasiirada (Akhriso)

Caydiid Ali

Dhalinyaro Itoobiyaan ah oo Muqdisho u yimid fulinta qorshe uu wado RW Abiy Ahmed

Caydiid Ali

Madaxweyne Caan ah Afrika oo sheegay in uu Xilka ka degayo uuna noqonayo Wariye

Cabdi Cade
Taboola Ads ---