Guddoomiye Cismaan Dhicisow oo ka hor yimid Shaqo joojin lagu sameeyey

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne.

Wareegto kasoo baxday Guddoomiye Cali Jeyte ayaa shaqada looga joojiyay Guddoomiye Cismaan dhicisow Dhuubow, waxaana lagu eedeeyay inuu dhigtay isbaaro lagu dhibaateyo gaadiidka iyo inuu gudan waayey xilkiisa.

Hase ahaatee Guddoomiye Cismaan dhicisow oo warbaahinta la hadlay ayaa ka soo horjeestay shaqo joojinta lagu sameeyey

Waxaa uu intaas ku daray in talaabadaas ay tahay mid sharci darro ah, isagoo xusay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uusan laheyn awood uu shaqada kaga joojin karo.

Cismaan ayaa sheegay in Guddoomiye Cali Jeyte uu marka horey ka dalbaday inuu ku wareejiyo Gargaarka Baladweyne ay geeyeen Hay’addaha, hayeeshee taas uu ka diiday, kadibna ay isku dhaceen, sidaasina ay ku timid shaqo joojinta uu ka horyimid.

“Aniga waxaa xilka uu magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle, isla madaxweynaha ayaana awood u leh inuu shaqada iga joojiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -