Rooble oo Golaha shacabka la hortagaya qorshe muddo kordhin iyo nooc doorasho cusub

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Rooble oo lagu wado inuu berri Baarlamaanka hor tago ayaa damacsan inuu soo jeediyo dalabyo cusub oo ay ka mid yihiin in lagu laabto hannaankii doorashada hal deegaan doorasho iyo liiska xiran si loo qabto doorasho qof iyo cod ah, iyo codsi muddo kordhin labo sano ah sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xildhibaannada labada aqal ee mucaaradka ayaa wada abaabul ka dhan ah qorshahaas la sheegayo in Ra’iisul Wasaaraha la iman doono Baarlamaanka.

Xildhibaannadan oo haatan shir uga socdo Hotel Jazeera ayaa ka arrinsanaya qorshaha la sheegay in berri Ra’iisul Wasaare Rooble la imaan rabo Baarlamaanka.

Ajendaha kulanka baarlamanka ee berri kuma jirto muddo kordhin, balse warar la halayo ayaa sheegaya in la doonayo in lagu soo geliyo qaab deg deg ah, kadibna lagu meel-mariyo gacan taag.

Talaabadan ayaa waxaa sidoo kale ka war helay beesha caalamka oo hadda ka hor marar badan ka digtay inaan la aqbali doonin in dhinacyada siyaasada ay qaataan go’aano dhinac ah oo aysan la qabin dhinacyada kale.

Dhanka kale Beesha Caalamka ayaa dhawr jeer sheegtay inaysan koox gaar ah sameysan waddo ay iyadu faa’iido ku qabto, isla markaana ay madaxda siyaasadda isku yimaadaan si ay ugu heshiiyaan arrimaha doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -