War Deg Deg Ah: Dil Goordhaw ka dhax dhacay Xarunta Degmada Howl Wadaag

War kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in goordhaw gudaha xarunta Degmada Howl Wadaag lagu dhax dilay nin Ganacsade ah oo degmadaasi u doontay Shakti.

Sida aan Wararka ku helnay dilka waxaa geestay Masuul katirsan Maamulka Degmada gaar ahaan Sargaal qaabilsanaa canshuuraha Degmada Howl Wadaag oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Sheekh Ibraahim (Xuseen Ajeey ).

Dilka ayaa dhacay kadib markii ay murmeen ninka la dilay iyo sargaalka dilka geestay sida uu sheegay mid kamid ah gancsatada Suuqa Bakaaaraha oo ku sugnaa xarunta uu dilku ka dhacay.

Meydka ninka la dilay ayaa daqiiqado badan kadib loo qaaday xarunta Dambi Baarista CID-da, waxaa sidoo kale ciidamada amaanka Degmada Howl Wadaag xireen sargaalka dilka geestay oo isna la geeyay xarunta CID-da.

Maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Howl Wadaag ayaan wali ka hadlin dilka uu geestay sargaalkan katirsanaa Maamulka gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan maamulka gobolka ka hadlo dilkan .

 

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -