Masuuliyiin ku Shiray Muqdisho oo si adag uga hor yimid shirka Dhuusomareeb

Kulan magaalada Muqdisho ku yeesheen Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka ayaa looga hor yimid shirka Dowlada iyo maamul goboleedyada uga furmay Dhuusomareeb.

Kulankan ayaa si weyn looga soo horjeestay shirka Dhuusomareeb oo ay sheegeen siyaasiyiintan in aysan jirin cid ku mataleysa gobolada Waqooyi loona diiday in uu shirka ka qeyb galo Gudoomiyaha Aqalka sare oo gobolada Waqooyi ku matali lahaa shirkaasi.

Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tumanayo dastuurka lagana hor istaagay in uu ka qeyb galo shirka doorashada looga arinsanayo.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Aqalka sare in uu aad uga xun yahay in mudada uu jiray Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka uusan aqoonsan Madaweyne Farmaajo waajibaadka dastuurka uu siiyay Aqalka Sare.

Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ee ku shiray magaalada Muqdisho ayaa cadeeyay in aysan aqbali doonin waxii kasoo baxa shirka magaalada Dhuusomareeb ku leeyihiin DF iyo madaxda maamul goboleedyada maadaama aysan qeyb ka aheyn shirkaasi.

Shirka Wadatashiga ee magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana shirka ka maqan Gudoomiyaha Aqalka sare oo matali lahaa gobolada Waqooyi ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -