Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dad badan oo ku dhintay weerar ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose

Khasaare xooggan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay weerar jidgal ah oo galabta ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Wanle-weyn iyo Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Weerarkan ayaa bilowday markii xoogag taabacsan Al-shabaab tuulada Doonka oo 10 KM u jirta degmada Afgooye ku weerareen gaadiid ay wateen ciidamada DF oo gelbinayey gaadiid xamuul ah oo dhuxul siday.

Ugu yaraan 9 qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen darawaliinta gaadiidka xamuulka ah ee dhuxusha qaada iyo todoba askari ayaa ku dhintay weerarkaas halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo dhinaca kale uu jiro uu jiro khasaare soo gaaray Al-shabaab inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa iney rogmadeen saddex baabuur oo ah kuwa Soomaalidu u taqaano (N3) oo dhuxul siday kadib markii ay qalqaleen darawaliinta xiligii uu weerarku  bilowday.

Al-Shabaab ayaa mamnuucay gaadiidka dhuxusha ka soo qaada Sh/hoose, iyagoo horey marar badan dab u qabadsiiyey gaadiid badan oo dhuxul waday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Xijaar iyo saraakiil uu horkacayo oo gaaray Addis ababa+Ujeedka (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda DF iyo dhigiisa Pekka Haavisto?

Caydiid Ali

Qarax miino oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---