Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano ku dagaalamay Goob ay ka socotay Munaasabad tacsi ah (Daawo Sawirro)

Labo Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa isku gacan qaaday goob ay ka socotay munaasabad tacsi ah, waxaana Xildhibanadaasi kala qabtay ciidamo katirsan booliiska Kenya iyo masuuliyiin kale oo munaasabada ku sugnaa.

Xildhibaanadan dagaalamay oo oo lagu kala magacaabo Simba Arati, iyo Slyvanus Osoro ayaa kala taageersanaa Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya William Ruto iyo rai’sul wasaarihii hore Kenya Raila Odinga.

Simba Arati, oo ah Xildhibaan taageersan Ra’isul Wasaarihii hore ee Kenya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne kuxigeenka Kenya Musuq maasuq iyo wax isdaba marin, waxa uuna ugu baaqay in uu raaligelin ka bixiyo dadkii gobolka Rifty Vally lagu laayay xilligii rabshadihii doorashadii 2007 Kenya ka dhacay.

Xildhibaan Slyvanus Osoro, oo ka carooday hadalka Xildhibaanka dhaleeceeyay Madaxweyne kuxigeenka Kenya ayaa istaagay lana qabsaday makarafoonka Xildhibaanka, waxaana labada Xildhibaan dhax maray dagaal gacan ka hadal sababay.

Muuqaal baraha bulshada si weyn loogu baahiyay ayaa laga arkayay labada Xildhibaan oo dagaalamaya iyo ciidamada amaanka booliiska ee ku sugnaa munaasabada oo kala qabanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Dhambaal u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Cabdi Cade

Lafta Gareen oo Wasiiradiisa uga warbixiyay Shirarkii Arimaha Doorashada (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxii Sirdoonka Milatariga Israel oo is-casilay iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---