Ciidamada Dowlada oo dilay Kooxdii Hoobiyaasha ku Weerartay Dhuusomareeb (Sawirro)

Ciidamada milatariga dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in duleedka magaalada Dhuusomareeb ku dileen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo la sheegay in xalay hoobiyaal ku weerareen magaalada Dhuusomareeb.

Milatariga Soomaaliya oo si deg deg ah ugu baxay goobta hoobiyaasha laga soo tuuray ayaa la sheegay in ay dileen sadex nin oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ee weerarka hoobiyaasha ka dambeeyay halka mid kalana isaga oo dhaawac ah soo qabteen.

Saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad oo Warbaahinta kula hadlay duleedka Dhuusomareeb ayaa sheegay in ay dileen sadex  dagaalame uu ku jiro sargaal Al Shabaab u qaabilsanaa deegaanada u dhaxeeya Dhuusomareeb iyo Ceelbuur.

Ciidamada milatariga ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay mid kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab isaga oo dhaawac, waxa ayna ciidamada soo furteen afar qoray oo la sheegay in ay wateen ragii xalay hoobiyaasha ku weeraray magaalada Dhuusomareeb.

Al Shabaab ayaa xalay tiro hoobiyaal ah ku garaacday magaalada Dhuusomareeb ay ku joogaan Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -