Madaxii Sirdoonka Milatariga Israel oo is-casilay iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Madaxii sirdoonka milatariga Israel Sareeye Gaas Aharon Haliva ayaa ku dhawaaqay in shaqada sirdoonka ka fariisanayo, kaddib fashil badan oo dhinaca sirdoonka ah oo dhacay intii uu xilka hayay sargaalkan.

Qoraal uu soo saaray Sareeye Gaas Aharon Haliva ayuu ku dhawaaqay in uu shaqada ka fariisanayo dhawaan, waxa uuna qoraalka is-casilaadiisa u gudbiyay taliyaha ugu sareeya milatariga Israel Lt.Gen Herzi Halevi .

Madaxii sirdoonka milatariga Israel ayaa garwaaqsaday fashilkii sirdoonka uu hoggaaminayay ku yimid weerarkii ay dagaalamayaasha Islaamiga ee Xamaas ku qaadeen gudaha Isreal bishii October 7-dii ee sanadkii hore ee 2023-kii.

Sargaalkan hayay madaxa sirdoonka Israel ee fashilka shaqada uga tagaya ayaa muddo 38-sanno ah kusoo jiray milatariga Israel, waxa uu sidoo kale sargaalkan ku fashilmay weeraro lagu dilay askar badan oo ka dhacay guda Gaza inta uu dagaalka socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -