Lamaane Qarashka arooskooda ku bixi lahaa ugu Deeqay dad dhibaato xoogan heesato

Lamaane u dhashay dalka Itoobiya ayaa ku dhaqaaqay talaabo dad badan ku taageereen kuna amaaneen, kadib markii qarash fara badan ay ugu tala galeen in ay ku bixiyaan arooskooda ugu deeqeen dadka ku dhibaateesan qeybo kamid ah gobolka Tigrey.

Meaza Tadese iyo Kalab Belay ayaa markii hore ahaa qorshahooda in ay dhigtaan aroos weyn oo qarash badan ku bixi lahaa, balse lamaanahan ayaa badelay go’aankooda kadib markii ay ka murugoodeen dhibaatada iyo baahida ka jirta qeybo kamid ah gobolka Tigrey.

Lamaanahan ayaa dadka baahida ku heyso gobolka Tigrey deegaano katirsan ugu deeqay lacag gaareysa  8,500 oo doolar , lacagtan ayaana raashin loogu iibiyay dadka baahida daran heesato .

Meaza Tadese, ayaa Warbaahinta u sheegtay in raashinkan ay ku iibiyeen lacagtii arooska ku dhigan lahaayeen aysan xalin doonin dhibaatada iyo baahisa dadka ku heesa gobolka Tigrey balse iyagu go’aansadeen intii awoodooda ah in ay bixiyaan.

Gobolka Tigrey waxaa xiligan ka taagan xaalad adag oo dhinaca bini’aadanimada, waxaana gobolka oo la degay dagaalkii dhax maray ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa Qowmiyada Tigrey, dagaalka ayaana sababay in qeybo badan oo gobolka ka dilaacaan abaaro iyo cuduro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -