Dowladaha kahor imaanaya mudo kororsiga Farmaajo iyo Golaha Shacabka oo sii kordhay

Waxaa sii kordhaya dowladaha waa weyn ee kahor imaanaya mudo kororsiga labada sano ee dhawaan sameesteen Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka sidoo kale saxiixay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Dowlada Jarmalka oo kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya ayaa sheegtay in qaraarka lagu ansixiyay muddo kordhinta hay’adaha dowladda Soomaaliya uu yahay go’aan halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka.

Qoraalka kasoo baxay dowlada Jarmalka ayaa loogu baaqay hogaamiyaasha Soomaalida in ay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka , waxa ayna Jarmalka cadeesay hadii la tixgalin waayo wadahadalka in la qaadi doono talaabooyin dheeri ah.

”Go’aanka lagu kordhiyay waajibaadka dowladda wuxuu noqonayaa mid khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Dhinacyada heshiiska doorashada Sebtember 17, waxaana Hogaamiyaasha ugu baaqeenaa  inay si dhakhso leh ugu laabtaan wadahadallada. Haddii taa la waayo, Midowga Yurub wuxuu tixgelin doonaa tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlada Jarmlka.

Dowladaha Mareykanka, UK iyo Jarmalka ayaa kamid ah wadamada sida weyn uga hor yimid mudo kororsiga Xildhibaanada golaha shacabka u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo kadib markii lagu heshiin waayay doorashada waqtigeeda dhaaftay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -