Dibed-bax weyn oo Muqdisho laga qaban-qaabinayo & Maamulada degmooyinka oo la wargeliyey

Magaalada Muqdisho waxaa caawa laga dareemayaa qaban-qaabada dibed-bax balaaran oo beri la filayo in lagu qabto magaalada, kaasoo lagu taageerayo talaabadii uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ku saxiixay metelaada gobolka Banaadir ee aqalka sare.

Maamulka gobolka Banaadir oo wada qaban-qaabada banaanbaxan ayaa caawa ku wargeliyey maamulada degmooyinka iney ka qeyb qaataan abaabulka banaanbaxa, ayna beri iskugu keenaan dad fara badan goobta uu ka dhacayo banaanbaxaas oo loo malaynayo iney tahay fagaaraha daljirka dahsoon.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo Qaraarka uu ku ansixiyay 13 Kursi ee Matalaadda Gobolka Banaadir.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 28 bisha January 2021, waxaan halkan doonayaa inaan mahad ballaaran uga jeedinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabddullaahi Farmaajo oo runtii qalinka ku duugay matalaaddii gobolka Banaadir oo in muddo ah bulsho weynta gobolka banaadir ay ka sugayeen, waxaan leeyahay, waan kaaga mahadcelinayaa haddii aan nahay bulshada Banaadir, aniga oo ku hadlaya magaca bulshada Banaadir” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -