Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

 Wakiilo katirsan Beesha Caalaamka oo maanta kusii jeeda Dhuusomareeb iyo Ujeedka socdaalkooda

Wakiilo katirsan beesha caalamka ayaa lagu wadaa in maanta gaaraan magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug, waxa ayna wakiiladan la kulmi doonaan madaxweynaha maamulkaasi.

Xubnaha beesha caalamka ee tagaya magaalada Dhuusomareeb waxaa hogaaminaya Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis Swan, waxa sidoo kale xubno ka ah safarka xubno kale oo katirsan beesha caalamka ee soomaaliya jooga.

Ujeedka safarka wakiilka Qaramada Midoobay ku tagayo caasimada Galmudug ayaa lagu sheegay dadaalo uu ku doonayo xal u helida khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sidII maamulada u qaban lahaayeen doorasho raali lagawada yahay.

Jemis Swan ayaana Madaxweynaha Galmudug kala hadli doona xaalada Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada iyo guddiyada lagu muran san yahay, waxa uuna Wakiilka u gudbin doonaa Qoor Qoor aragtida beesha caalamka.

Wakiilka Qaramada Midoobay iyo wakiilada kale ee beesha caalamka ayaa sidoo kale la filayaa in ay tagaan qaar kale oo kamid ah xarumaha dowlad goboleedyada si ay ugala soo hadlaan khilaafka ka dhashay doorashada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Rajo xumo laga muujiyay shirkii Muqdisho & Gabadhii laga soo tuuray dabaqa oo..

admin

Somaliland oo ka hadashay heshiiskii Xassan Shiikh & Abiy

Caydiid Ali

Golaha Shacabka oo meel mariyay guddi ka kooban Shan xubnood oo la horgeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---