Somalia oo sanadkii hore marti gelisay Qaxootigii ugu badnaa oo ka yimid saddex dal

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka mid noqotay dalalka Afrika ee sanadkii lasoo dhaafay martigaliyay Qaxooti badan.

UNHCR ayaa intaas ku dartay in Qaxootiga Somalia gaaray ay ka kala socdeen Afrika iyo Aasiya ayna dhibaatooyin dhanka Amniga ka jireen dalalka ay ka yimaadeen

“Qaxooti ka badan 24,000 qof oo ajnabi ah, isla markaana ka kala socda wadamada Ethiopia, Syria iyo Yemen ayaa sanadkii 2020 yimid gudaha Soomaaliya, iyagoo  nabadgalyo iyo nolol doon ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay heyada UNHCR .

Gobalada waqooyi galbeed oo Somaliland ah, Bari oo Puntland ah iyo magalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa ah meelaha ugu badan ee ay qaxootigan joogaan sida ay sheegtay heyadda.

Sidoo kale waxay UNHCR sheegtay in laga soo bilaabo sanadkii 2014 ay Soomaaliya dib ugu laabteen 90,000 oo Soomaali ah kuwaasoo horay wadamo kale qaxooti ahaa taasoo cadeyneysa in xaalada amniga Somaia ay soo hagaageyso inkastoo weli ay jiraan dhibaatooyin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -