Sidee Wasaaradda amniga DF uga fal-celisay dilkii marxuum Guddoomiye Dhegajuun?

Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya Farxaan Cali Maxamed ayaa war cusub kasoo saartay dilkii Guddoomiyaha Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciddii ku lug yeelataa dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan la horgeyn doono sharciga, lagana qaadi doono tallaabo adag.

Farxaan Cali Maxamed oo ka hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in la xiray saraakiisha iyo ciidamadii dilka ku lug lahaa, sharcigana la horgeyn doono, isagoo dadweynaha ka codsaday inay is dejiyaan oo looga faa’iideysan arrintan.

“Waa wax laga naxo in Guddoomiye Dhegajuun uu ciidamadeenii gacantooda ku baxay, waxaan caddeynayaa in saraakiishii iyo ciidamadii ku lug lahaa dilkaas la xiray, lana baarayo, ciddii ku lug yeelatana sharciga ayaa la hor geyn doonaa.” ayuu yiri Wasiiru dowlaha amniga.

Guddoomiye Dhegajuun ayaa shalay ka soo laabtay dalka Turkiga oo looga soo daweeyey dhaawac ka soo gaaray qarax bil ka hor ka dhacay Muqdisho, hase ahaatee xalay ayuu ku geeriyooday rasaas dhexmartay ilaaladiisa iyo ciidamo ku sugnaa isgoyska Howlwadaag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -