Wasiir Jaamac oo ka farxiyay Hooyo ka murugeesan xariga hal Wiil oo ifka u jooga (Sawirro)

Waxaa maanta baraha bulshada lagu baahiyay qoraal ku saabsan hooyo Soomaaliyeed oo dhashay 14-caruur ah balse ifka u joogo hal wiil kaas oo isna mudo afar sano ah ku xiran xabsiga Dhaxe ee Xamar.

Hooyo Luuley Cismaan Xasan oo ah hooyo da’ ah ayaa sheegtay in xabsiga Dhaxe ku xiran yahay wiil ay dhashay oo caruurteeda kasoo haray kaa oo ay sheegtay in loo xiray in uu iibasady qoray dowlada leedahay uu horey ugu shaqeyn jiray askarinimo.

Waxa ay sheegtay hooyadan in wax maxkamad ah lasoo taagin wiilkeeda uuna iska xiran yahay mudo afar sano ah, waxa ayna codsaday in laga caawiyo sidii xuriyadiisa u heli lahaa halka wiil ee ifka u jooga kana soo haray caruurteeda kale.

Codsiga hooyadan oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayaa  waxaa si deg deg ah uga jawaabay Wasiirka Cadaalada Xukuumada Soomaaliya Abdulkadir Mohamed Nur Jaamac oo caawa hooyadan gurigeeda ku booqday.

Wasiirka ayaana u balan qaaday Hooyadan murugeesan in loo soo deynayo wiilkeeda ayna cadaalad heli doonto, waxa uuna cadeeyay Wasiirka in sii deynta wiilkan xiran loo mari doono wado sharci ah.

Waxaan caawa hoygeeda ku booqday hooyo Luul Cismaan Xasan oo sheegtay in wiilkeedu ka xeran yahay mudo afar sano ah, iyadoo iga codsatey in loo soo daayo wiilkeeda oo ah ubadka keliya ifka u joogo,Waxaan ka soo balan qaadey in ay Cadaalad heli doonto kuna dadaali doono in wiilkeeda xoriyadiisa helo, iyadoo loo maraayo wado sharci ah.” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
 
Xabsiyada dowlada gacanta ku heyso ayaa waxaa ku xiran dad badan oo masaakiin ah ay ku jiraan kuwa xarigooda aan loo marin sifo sharci ah iyo dad kale oo iyana sanado badan u xiran dambiyo fudud ay galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -