Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Gudoomiyihii gobolka Gedo oo xilka wareejiyey ka dib cadaadis kaga yimid DF

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) ayaa xilka ku wareejiyey gudoomiyaha cusub ee gobolkaas.

Warar shalay u soo baxay ayaa sheegayay in Macalimu diidan yahay xil wareejinta, isla markaana uu ka xumaaday qaabka loola dhaqmay, isagoo sheegay inuusan aqoonsaneyn Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland ee xilka ka qaaday, kaasoo horey uga goostay Axmed Madoobe.

Balse waxaa arrinta soo dhex galay Madaxda dowladda Soomaaliya oo wadahadal dheer ka dib ku qanciyey inuu xilka wareejiyo.

Xil wareejiinta ayaa ahayd mid muuqaal laga duubay, waxaana ka muuqatay inay ka dhacday goob Guri ah, iyadoo aysan cidna ku wehlin Guddoomiyihii hore Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) iyo guddoomiyaha cusub Axmed Buulle Gareed (Canjeex).

“Lix degmo, saddex degaan ayaa wada shaqeynaya oo dowladda Federaalka ay maamushaa, waxay noo tahay farxad inaan halkan soo gaarsiino. Waxaan ku shaqeynyay awaamiirta dowladda ayey ahayd, mar haddii aan go’aansaday inaan xilka ku wareejiyo saaxiibkey” ayuu yiri Guddoomiyihii hore Cusmaan Macalimu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh oo booqday deegaanka Maleeley ee hoostaga degmada Jamaame (Sawirro)

Cabdi Cade

Jeneraal Caan ah oo kahor yimid rabitaanka Madaxweyne Deni iyo Xiisad ka taagan Garawe

Cabdi Cade

Guushii Madaxweyne Joe Biden iyo kuxigeenkiisa oo la ansixiyay iyo Trump oo….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---