Musharaxa Bobi Wine oo shaaciyey inuu ku guuleystay doorashadii Ugandha

Hogaamiyaha mucaaradka Uganda Bobi Wine ayaa sheegtey inuu ku guuleystey doorashadii madaxweynenimada, isaga oo ku gacan seyrey natiijooyinkii hore ee tirinta codadka oo Madaxweyne Yoweri Museveni uu ku horeeyo.

38 jirkan fanaanka ah ayaa loolan adag ku haya mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu xukunka dheer qaaradda Afrika, oo uu kula tartamaya xilka madaxtinnimada Uganda.

Bobi Wine, ayaa sheegay inuu matalaya dhallinyarada dalka, halka Yoweri Museveni, oo 76 sano jir ah, uu ku ololeyanaya inuu dalka Uganda u horseeday xasillooni.

“Waxaan aad ugu kalsoonahay inaan kaligiis kaligii taliye ka guuleysanay. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan reer Ugandha inay diidaan fowdada, runti waan ku guuleysanay doorashada,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

“Dadka Uganda waxay si weyn ugu codeeyeen in wax laga badalo hogaaminta oo laga soo bilaabo kelitalisnimo loona badalo dowlad dimoqraadi ah. Laakiin Mudane Museveni wuxuu isku dayayaa inuu sawiro inuu isagu hogaaminayo ” ayuu yiri Wine.

Hase ahaatee, Sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah ee uu saaka shaaciyay guddiga doorashada Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku horreeya codadka la tiriyay ee doorashada madaxtinnimo ee shalay ka dhacday dalkaas.

Mr Museveni ayaa helay 1,536,205 codad ah (65.02%), halka ninka ay is hayaan ee Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaanno Bobi Wine, uu heysto 647,146 codad ah (27.39%) kuwaasoo laga soo ururiyay ila 8,310 oo goobaha codbixinta ah, iyadoo Goobaha codbixinta ay gaarayaan 34, 684.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -