Madaxweyne Xaaf oo ugu baaqay Reer Cadaado in ay iska soo eryaan Cali Gacal iyo Carabey

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si adag uga hadlay khilaaf kala dhaxeeya kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Xaaf ayaa sheegay in nasiib daro tahay ragii wax ka ogaa goob joogna ka ahaa heshiiskii lala galay kooxda Ahlu Sunna in ay maanta dabo mareen kana dageen Cadaado, waxa uuna tilmaamay in uu ka xun yahay hadaladii ay maanta ka dhawaajiyeen.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xaaf in maalmo badan ay ku sugnaayeen Muqdisho kalana hadleen khilaafka taagan iyo sidii loo xalin lahaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Cali Gacal balse dhagaha fureesteen.

”Waa nasiib daro in nadabo maraan kana degaan Cadaado, waana maqlay hadaladii ay maanta sheegeen, waxaan leeyahay Maxamed Xaashi iyo Cali Gacal nin aan idin furi doonin yuusan idiin xirin, waxaad tabaneysaan waa wax la idinka daweyn karo ” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay khilaafkii 8-bilood kahor jiray in uu ka dhashay yaanan la doonin Ahlu Sunna, waxa uuna hada tilmaamay in khilaafkan hadana salka ku hayo maxaa loola heshiiyay Ahlu Sunna.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka reer Cadaado in magaaladooda aan laga abuurin dagaalo iyo dhibaato hor leh, waxa uuna ugu baaqay in ay iska soo eryaan Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo Gudoomiye Cali Gacal.

Hadalka Xaaf ayaa kusoo aadaya xili maanta magaalada Cadaado ka degeen Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Cali Gacal , kuwaa oo kasoo horjeestay Xildhibaanada la isku daray iyo dastuurka Dhuso Mareeb lagu ansixiyay.

 

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -