Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug

Xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay ka hadashay khilaafka cusub ee soo kala dhax galay Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug , waxaana khilaafkan uu hada gaaray meel aad u fog.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Warbaahinta u sheegay in dowlada Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyay ku howlaneed dedaalo lagu xalinayo khilaafka ka dhax taagan Madaxda Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Dowlada Soomaaliya ka niyad jabsan tahay aadna uga xun tahay khilaafka mar kale soo kala dhax galay Madaxda Galmudug, waxa uuna ugu baaqay Madaxda Galmudug in Khilaafkooda si hoose u xaliyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Madaxda maamulka Galmudug magaalada Muqdisho ka dhoofeen xili ay wadeen wadahadalo khilaafka lagu xalinayo.

Madaxda maamulka Galmudug ayaa mar kale waxaa soo kala dhax galay khilaaf xoogan oo ka dhashay Heshiiskii Ahlu Sunna lala galay iyo wax ka bedel lagu sameeyay Dastuurka, waxaana Madaxda Galmudug u kala jabeen labo garab.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo dhinac ah ayaa maanta ka degay Cadaado halkaas ay saldhig ka dhigan doonaan halka Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumada oo iyana isku dhinac ah xarun u tahay Dhuuso Mareeb.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaali loo heysto inuu qarxin rabay kaniisada ugu weyn Roma oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali

Yuusuf Dabageed oo isaga oo Tuute xiran saakay tagay Degmada Maxaas (Sawirro)

Cabdi Cade

Shir deg deg ah oo la isugu yeeray madaxda OIC iyo arrinta ay ka hadlayaan oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---