Weerar dil lagu geystay oo galabta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir

Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa galabta lagu dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in rag bastoolado ku hubeysan ay rasaas ku fureen askarigan oo xiligaas aan shaqada ku jirin kuna sugnaa agagaarka hoygiisa oo ku yaalla dhabarka dambe ee xarunta maamulka degmada Waaberi.

Dhaawaca askarigan oo aad liitay ayaa loola cararay goobaha Caafimaadka, hase ahaatee daqiiqado ka dib ayuu u geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaaray rasaasta lagu furay sida ay Allbanaadir.com u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada.

Ciidamada amaanka ayaa goobta dilku ka dhacay gaaray sida caadada ah, iyagoo halkaas ka wada baaritaano.

Dilkan ayaa noqonaya kii 3aad ee ka dhaca magaalada Muqdisho 24 saac gudahood, manta duhurkii ayeyna aheyd markii suuqa bakaaraha lagu dilay nin dhalinyaro ah, waxaana ka sii horeeyey dil kale oo xalay qof kale oo nin dhalinyaro bajaajle ahaa loogu geystay xaafada Suuqa xoolaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -