Madaxweyne Chakwira oo si murugo leh uga hadlay geerida Wasiiro katirsanaa Dowladiisa

Wasiiro katirsan Xukuumada dalka Malawi ayaa u geeriyooday cudurka safmarka ah ee Caronavirus, waxa sidoo kale la sheegay in cudurkaasi hada hayo masuuliyiin iyo dad badan oo u dhashay dalkaasi.

Cudurka Caronavirus ayaa la sheegay in ay u geeriyoodeen Wasiirada  Gaadiidka Sidiiq Miyaa iyo wasiirka dowladaha Hoose Lingson Percanyama, labadan Wasiir ayaana u geeriyooday cudurkan oo maalmihii lasoo dhaafay la il darnaayeen.

Madaxweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwira, ayaa si weyn uga naxay geerida ku timid wasiiradan katirsanaa xukuumadiisa, waxa uuna sheegay Madaxweynaha in dhimashada Wasiiradan ay tahay khasaaro weyn oo ku dhacday dalka Malawi.

Lazarus Chakwira, ayaa tacsi u diray ehelada iyo dadkii ay ka baxeen Wasiiradan katirsanaa Xukuumada Malawi, waxa uuna Wasiirada geeriyooday ku sifeeyay Madaxweynaha Wasiiro wadaniyiin qaali ku ahaa dalkooda.

Madaxweynaha dalka Malawi ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa in ay sameeyaan taxadar dheeraad ah si looga gaashaanto khasaaro badan uu dadka u geesto cudurka safmarka ah ee Caronavirius.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -