Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Akhriso) Puntland oo Maamul KMG ah u magacowday Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo

Markuu tixgeliyey: talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey :-

  1. Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo
  2. Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo
  3. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

= DHAMMAAD =

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo Wadahadal la yeeshay Wakiillo katirsan Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Itoobiya ka cudur-daaratay booqasho uu beri ku tegi lahaa Xasan Shiikh?

Caydiid Ali

Tartanka Kubadda Cagta ee Dawlad goboleedyada iyo G/Banaadir oo dib loo dhigay iyo sababta keentay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---