Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynaha Puntland oo kala diray golaha degaanka degmada Gaalkacyo (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 01, ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123‐aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka maamulka degmooyinka iyo Gobolada (Lr – 7 ) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad, farqaddiisa 5-aad

Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland

Markuu tixgeliyey: Gun-gaarka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala dirista Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.

Wuxuu Xeeriyey

  1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciyaarta Khaliijka – Imaaraadka oo Fashilmay, Qadar oon Is-dhiibin iyo Soomaaliya oo La Iibsan!

Cabdi Cade

Nabadoon ka soo horjeeday Axmed Madoobe oo Kismaayo lagu dilay

Caydiid Ali

RW Fumio Kishida oo iscasilaya ka dib fadeexad soo wajahday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---