Qarax Macmal ah oo ka dhacay Muqdisho iyo ragii ka dambeeyay oo la qabtay

Waxaa xalay fiidkii qarax jugtiisa laga maqlay xaafado badan oo katirsan magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka xarunta Hay’ada Dambi baarista CID-da oo ku dhaw Isgooska KM-4.

Qaraxan oon wax khasaaro nafeed ah geesay ayaa taliska booliiska Soomaaliya ku sheegeen in uu ahaa mid macmal ah oo bac lagu soo riday, kaa oo la dhigay laamiga dhinaciia.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Jen. Zakiya Xuseen Axmed waxa ay sheegtay in ciidamada amaanka qabteen Koox ay sheegtay in qaraxa macmal ah xalay dhigeen Afaafka hore ee xarunta CID-da.

”Ciidanka boliiska waxa ay gacanta ku soo dhigeen raggii bacda qaraxday dhigay iyo babuurkii ay wateen oo ahaa homey ,Baaris ka dib waxaa la marsiinayaa nidaamka sharciga” ayey tiri Taliye Zakiya mar kale.

Qaraxyo la sheegay in ay macmal yihiin dhawaqooda xoogan yihiin ayaa soomankii hore sidan oo kale uga dhacay magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaana geesan jirin khasaaro marka laga reebo in dhawaqooda ay dadku ka argagaxaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -