Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo is casilay kana hadlay sababta is casilaadiisa

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Cabdikariin Khaliif Dhalac ayaa caawa shaaciyay in uu iska casilay xilkii Wasiirnimo uu ka hayay Xukuumada Soomaaliya.

Qoraal uu bartiisa Facebooka soo dhigay Xildhibaan Cabdikariin Dhalac ayuu ku sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Xukuumada, waxa uuna ku sheegay Sababaha uu isku casilay in uu ku qanci waayay faro galinta dowlada ku heyso arimaha Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiir kuxigeenka is casilay in dowlada faragalin ku heyso arimaha Galmudug, isagoona tilmaamay in Galmudug hada ka socoto qaban qaabada doorasho baal marsan dastuurka iyo rabitaanka dadka Galmudug.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Wasiirka ku shaaciyay is casilaadiisa.

Related posts

Xisbullah oo sabab u noqotay dab ka kacaya keymaha dhulka Israel xoogga ku heesato

Cabdi Cade

Gabar Nin ka weyn heshiis guur kaga baxday oo ay maxkamad xukun adag ku riday !

Cabdi Cade

Markab shixnad milateri u wada israel oo ku xirtay Masar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---