Dib u dhac kooban oo ku yimid Shirkii Dhuusamareeb & Wararkii ugu dambeeyey

Dib u dhac kooban ayaa ku yimid shirkii wadatashiga ahaa ee maanta lagu waday inuu Magaalada Dhuusamareeb uga furmo madaxda dowlad goboleedyada dalka ee halkaas ku sugan.

Shirka ayaa si rasmi ah u furmi doona maalinta beri oo Sabti sida laga xigtay xubno ka tirsan masuuliyiinta ku sugan Dhuusamareeb.

Maanta oo Jimce ahaa ayay wararku sheegayaan in la isla gartay inay noqoto nasasho iyo is-aragyo kala gaara oo ay yeesheen madaxda maamul Gobleedyada.

Go’aanka ayaa la qaatay kadib markii xalay kulamo gaar gaar ah uu dhexmaray Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa Qado sharaf u sameyn doono wafuuda ay hoggaaminayaan Madaxda Puntland, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa la ciir ciireysa wafuudii ugu badneyd ee ay horkacayaan Madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin waxaa si aad ah loo adkeeyay amniga magaalada oo ay dhooban yihiin ciidamo fara badan oo si aan caadi aheyn u hubeysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -