Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo daah-furay Ololaha Qof iyo Fuusto daamur ah (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Ololaha Qof iyo Fuusto oo daamur ama laami loogu ururinayo dhameystirka Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo.
 
Madasha  Daah furka ololahan ayaa lagu ururiyey kumanaan Fuusto oo Daamur ah, Iyadoo Wasaaraddaha Iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ay ku deeqeen tiradii ugu badneyn ee daamur ah.
 
Madaxweynaha  Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Puntland u leedahay Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo, wuxuu ku dhawaaqay in marka qaaraan ururintu soo dhammaato, ay dowladdu dhameystirayso oo bixinayso wixii soo hara.
 
Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka Baarlamanka maamul goboleedka Puntland, Goleyaasha Dowladda, Aqoonyahano, Waxgarad, Ganacsato, Culimo iyo qeybaha kale ee Bulshada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cabdi Max’uud Cumar oo TV-ga hadal uga jeediyey shacabka DDSI

Caydiid Ali

Saraakiil iyo Ciidamo ku qul qulaya Maxaas iyo Abaabul dagaal oo halkaasi ka socda

Cabdi Cade

Ajaaniib katirsaneyd Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay lana soo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---