Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Dowlada Iran oo shaacisay Geerida Madaxweyne Raisi, Wasiirkii A/dibeda & Masuuliyiin kale

Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u sheegtay inuu geeriyooday Madaxweyne Ebrahim RaisiĀ  iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Hossein Amir-Abdollahian oo ay weheliyeen 7 xubnood oo kale , sida u sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Iran ee Arrimaha fulinta, Mohsen Mansouri.

Si la mid ah, telefishinka dawladda Iran ayaa xaqiijiyay inuu madaxweyne Raisi ku geeriyooday shilka diyaaradeed, Waxaana meydadooda saaka aroornimadii laga helay dhul buuraley oo ay kula burburtay dayuuradii ay la socdeen markii ay ku xumaatay cimilada

Sida ku cad qodobka 131 ee Dastuurka Iran, ku xigeenka koowaad ee Madaxweynaha Iran, Mohammad Mokhber waxa uu si ku meel gaar ah ula wareegayaa xilka Raisi isagoo ogolaansho ka helaya hoggaamiyaha sare. Golaha sare ee Iran waa in uu diyaariya doorasho madaxweynaha cusub 50 maalmood gudahood.

Kooxda samatabbixinta Bisha Cas ee Iran ayaa gaaray, halka ay ku dhacday diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran, kaddib markii diyaaradda aan duuliyahan lahayn ee TurkigaĀ  Bayraktar ā€œAkıncÄ±ā€Ā  ay soo bandhigtay muuqaalka goobta u muuqata inay diyaaradda ku dhacday.

Related posts

Lamaane Cadaan ah oo Aroos Cajiib ah ku dhigtay magaalada Hargeysa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddiga doorashada Gudoonka golaha shacabka oo u kala jabay labo garab

Caydiid Ali

Safaarada Mareykanka ee Magaalada Beirut oo la weeraray & baaritaan socda (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---