Arday Araga la’ oo la kafaala qaaday qarashaadka uga baxaya jaamacadda (Sawirro)

ilaa 10 araday oo araga naafa ka ah oo u badan gabdho ayaa hay’ada Hormuud Salaam Foundation oo kaa shaneysa jaamacadaha dalka waxa ay ka kafaala qaaday in ay ka caawiso waxbarashadooda heer jaamacadeed kuwaas oo dhameystay dugsiga sare.

Masuuliyiinta hay’ada hormuud salaam foundation ayaa balan qaaday in dhinac waliba oo laxiriira baahiyaha ardaydan araga naafada ka ah si ay ula jaan qaadaan asaagooda wax kabarta jaamacadaha dalka,  iskuulka inshoolayaasha ee Al-nuur oo ay kusoo qaateen waxbarashada hoose iyo dhexe ayaa u fududeeyay ardaydan ubadan gabdhaha in ay dhameystaan dugsi sare una gudbaan jaamacad.

Cabdifitaax Maxamed Daahir maamulaha iskuulka indhoolayaasha Al-Nuur oo kahadlayay barnaamij lagu dhiira galinayay ardaydan araga la ee taagan heerka jaamacadeed ayaa uga mahad celiyay hay’ada Hormuud Salaam Foundation kaalinta ay ka geesaneeso caawinta dadka aan lixaadkooda dhameeystirneen sida ardaydan araga naafada ka ah, isagoo sidoo kale u mahad celiyay jaamacadaha iyaguna gacnta ka geystay wax barista ardayda gabdhaha ubadan.

Gudoomiyaha Hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa hadalo ubadan dhiiri galin u jeediyay ardaydan araga naafada ka ah ee wax kabarata jaamacadaha ku yaala dalka waxaana uu tilmaamay in mar waliba taageero dhinac kasta ah ay la garab taaganyihiin.

Qaar kamid ah ardayda araga la’ ee hormuud ay ka kafaala qaaday waxbarashadooda ayaa kaga mahad celiyay hay’ada sida mar waliba ay ula garab taagantahay caawimaada iyo taagayrada dhanka waxbarashadooda.

Walidiintii dhalay ardayda araga naafada ka ah ayaa sheegay in hay’ada hormuud salaam foundation iyo Dugsiga Al-Nuur ay soo nooleeyeen rajada mustaqbalka caruurtooda ayagoo uga mahad celiyay kaalinta muhiimka ah oo ay uga jiraan bulashada.

Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur oo ah dugsi ay dhigtaan ardada araga la’ ayaa xaruntiisa weyn waxa ay ku taal deegaanka daaru salaam iyadoo loo dhisay dhul balaaran oo leh qeybo fara badan sida qeybta gabdhaha, qeybta wiilasha qeybta jiifka iyo masjidka waxaana maalgalisay shirkadda Hormuud Telecom.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -