Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay shilkii dhexmaray ciidanka NISA & Xildhibaan C/llaahi Max’ed Nuur (Akhriso)

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war cad ka soo saartay shilkii maalin ka hor ka dhacday Koontaroolka Ciidanka NISA ku leeyihiin agagaarka KM-0, xili uu halkaas marayey gaari uu saarnaa Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka gudbay koontaroolkaas.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in goobtaas ay ka dhacday oo kaliya hal xabad, taasoo askari ka tirsan Ciidanka NISA uu digniin ahaan ugu riday gaariga, kaddib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay halkaas.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaageysaa shil kooban oo doraad galabnimadii abbaarahihii 5:30 Galabnimo  ee taariikhdu 23 May ka dhacay barta koontaroolka Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin KM-0 ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taasoo askari ka tirsan ciidamada uu kor ugu riday digniin ahaan kadib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta kontorool.

Wasaaradda Amniga waxay caddeyneysaa in ay billowday baaritaan dhacdadaas la xiriir.

Ciidamada amniga waxa ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin inay naftooda u huraan difaaca Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan.

Ciidamadu waxay amar ku qabaan in ay ilaaliyaan amniga Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowlada, isla markaana dhowraan xasaanadda Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka oo laguma xad gudbaan ah.

Wasaaradda Amniga waxay aad uga xun tahay wararka aan salka lahayn ee laga faafiyey ciidamada amniga, waxayna ugu baaqeysaa dhammaan Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo dhan inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qaadashada wararka lidka ku ah ciidamada oo khalkhal gelinaya xasiloonida iyo Dowladnimada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -