Congresska Maraykanka oo meel mariyey sharci uu diidanaa Madaxweyne Trump

Aqalka Congresska Mareykanka ayaa laalay codka diidmada qayaxan oo uu Madaxweyne Donald Trump ku joojiyey hindise sharciyeedka dhaqaalaha ku baxa gaashaandhigga dalkaas.

Hindise sharciyeedkan ku kacaya $740 bilyan oo doolar ayaa waxaa lagu maalgelinayaa siyaasadda gaashaandhigga Mareykanka ee sanadka soo socda.

Mr Trump, oo todobaadyo gudahood ku bannaynaya xafiiska, ayaa diiday qeyb ka mid ah qodobbada hindise sharciyeedka.

Trump ayaa waxa uu walaac ka muujiyay siyaasadaha xaddidaya ciidammada laga soo saarayo Afgaanistaan iyo Yurub iyo in magacyada madaxda wadammada iskaashiga kala dhaxeeyay Mareykanka laga tiro saldhigyada milateri.

Aqalka Senate-ka oo uu maamulo Xisbiga Jamhuuriga ayaa yeeshay kulan dhif iyo naadir ah oo ay maalintii koobaad ee sanadka cusub uga doodeen arrintan, middaas oo ay Aqalka Wakiillada horay ugu soo codeeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -