Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka askari ka tirsan Ciidamada DF oo la soo dhigay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Meydka askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada DF ayaa la sheegay in la soo dhigay xaafad ka tirsan degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, meel aan wax badan ka fogeyn isgoyska Sanca.

Askarigan ayaa waxaa meydkiia ka muuqday dhaawacyo rasaaseed oo dilkiisa loo adeegsaday sida ay sheegayaan dadka degaanka.

Inkastoo aan xog sax ah laga heynin cida geysatay dilka askarigan haddana wararka qaar ayaa sheegaya iney maalmo laga soo wacay xafiiska garsoorka Al-Shabaab, laguna wargeliyey inuu yimaado degaan ka tirsan Sh/hoose, si uu uga jawaabo dacwado loo heystay.

Askariga ayaa la sheegay inuu diiday tegitaanka goobta loogu yeeray, isagoo sheegay inuu isku amini karin Al-shabaab, maadaama uu yahay askari ka tirsan ciidanka dowlada.

Dad uu muran kala dhexeeyey askarigan ayaa la sheegay iney ku dacweeyeen maxkamada Al-Shabaab, Lamana oga inuu xiriir ka dhexeeyey dilka askariga iyo diidmada uu ka muujiyey amarka Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fashilkii ugu horeeyay oo soo wajahay jadwalka iyo Habraaca doorashada Soomaaliya

Cabdi Cade

Janaraal Odawaa oo si adag u beeniyay Warar baraha bulshada lagu baahiyay

Cabdi Cade

RW Khayre oo xaliyey Khilaaf ka taagnaa soo xulida Xildhibaanada Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---