Allbanaadir.com
NEWS

Dayuuradaha Maraykanka oo duqeyn ka geystay meel ku dhow Magaalada Muqdisho

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay in dayuuradaha wax duqeeya ee Droneska ay duqeyn ka geysteen Arbacadii shalay duleedka Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas oo ka dhacday meel 20-km Koonfur galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho lagu dilay qiyaastii 10 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntaas ay ku wadaan qiimeyn, aysana jirin illaa hadda wax khasaare ah oo ka soo gaaray dad shacab ah.

Ciidamada Maraykanka oo saldhigyo ku leh Somalia ayaa duqeyntan waxay noqoneysaa tii 14aad ee ay sanadkan ka fuliyaan koonfurta Somalia.

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana weeraradaas qaarkood ku dhintay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo ka farxiyey ciyaartoyda Xulka Kubadda Cagta Jubbaland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo Afmadow u tagay wax ka ogaanshiyaha xaalad taagan (Sawirro)

Cabdi Cade

Reer Galbeedka iyo dalal Islaam ah oo ka carooday go’aan ka soo baxay Taliban

Caydiid Ali
Taboola Ads ---