Axmed Madoobe oo ka farxiyey ciyaartoyda Xulka Kubadda Cagta Jubbaland (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa munaasabad soo dhoweyn ah u sameeyey Xulka kubada cagta Jubbaland ee dhawaan ku guulaystay koobka dowlad-goboleedyada ee Muqdisho lagu soo gebagebeeyey.

Axmed Madoobe ayaa ku boorriyay cayaartooyda inay u diyaar-garooban Tartamada kale isla markana dhawaan ay bilaabi doonan mushaar ay bil walba qaadan doonaan wuxuuna xusa iny dib u habayn lagu samayn doono xiriirka iyo dhamaan Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

“Waxaan doonaynaa in bil walba Ciyaartoyga ka midka ah Xulka Jubbaland uu helo mushahar ku filan noloshiisa,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkiisa si weyn u farxad geliyey kooxda Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa ciyaartoyda Jubbaland ku booriyay inay ka fogaadan qabyaaladda iyo is-kooxaysiga taasoo ka horimanaysa ayuu yiri hadafka cayaaraha iyo is dhexgalka Bulshada.

“Qabiil iyo Kooxaysi shuqul kuma laha Ciyaaraha sidaas darteed waa inaad ka fogaataan oo aad noqotaan Ciyaartoy deegaan iyo Gobolo matala,” ayuu Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -