Somaliland oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Golaha wadatashiga Somalia

Maamulka Somaliland ayaa uu jawaabay Golaha wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo shirkoodii shalay ku soo gabegaboobay magaalada Muqdisho ugu baaqay madaxda iyo shacabka Somaliland inay ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Suleymaan Cali Koore ayaa sheegay in hadii ay cid la talinayaan oo ay wax yihiin Golaha wadatashiga ay badbaadin lahaayeen shacabka hortooda maalin walba lagu xasuuqayo

Wuxuu sheegay in Golaha wadatashiga qaran looga baahan yahay inay dadkooda u tashadaan oo ay ka badbaadsaadan cadawga leynaya

Suleymaan Cali Koore wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Madaxda dowladda Soomaaliya aysan waqti isaga lumin arrimaha Somaliland, isla markaana tooda kaliya ku ekaadaan.

“Shacabka hortooda ugu dhimanaya sida Ayaxa iyo Kaneecadda la buufiyey oo kale ayaa tallo uga baahan ee Somaliland talo ugama baahna” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Somaliland Suleymaan Cali Koore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -