Allbanaadir.com
NEWS

Kulankii la wada sugayey ee Trump iyo Kim John Un oo la baajiyey & sababta ka dambeysa

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa joojiyey kulan la qorsheeyey inuu 12-ka bisha June dalka Singapore kula yeesho madaxweynaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un.

“Aad ayaan u danaynayey inaan halkaas kula tago, hase yeeshee nasiib darro marka la eego carada iyo caadaawadda muuqata ee ka muuqday qoraalkiinii ugu dambeeyey, waxaan dareemayaa inaysan habbooneyn inaan waqtigan kula yeesho kulanka la qorsheeyey” ayuu Trump ku yiri warqad uu u qoray Kim Jong Un.

Aqalka Cad ayaa sheegay in dhibaatadii ugu dambeysay ay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence lagu aflagaadeeyey qoraal kasoo baxay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Korea-d Waqooyi Choe Son Hui.

Trump ayaa warqaddiisa ku cayimay awoodda Nuclear ee Mareykanka oo yiri “Waa mid weyn oo awood badan, oo aan baryayo inaanay marnaba qasab aysan noqon in la isticmaalo.”

Aqalka Cad ayaa sheegay in weli uu furan yahay albaab gadaalle, haddii Korea-da Waqooyi ay rajeyneyso inay kasoo gasho, balse ay qasab tahay inay beddelaan hadalladooda, ugu yaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Cali Guudlaawe oo wareegto ku Magacaabay la taliye cusub

Caydiid Ali

Ruushka oo jirdil iyo ciqaab adag u geestay rag loo heesto Weerarkii Tiyaatarka (Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaaliya oo jawaab culus ka bixisay go’aan dhowaan ka soo baxay Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---