(Sawirro) Duqa Muqdisho oo daah-furay barnaamij la magac baxay “Bulsho bile”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray barnaamijka Bulsho Bile oo ay ku tartami doonaan degmooyinka Muqdisho.

Barnaamijka Bulsho bile waa baraamij cusub oo uu maamulka gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu xoojiyo isdhaxgalka bulshada iyo sidoo kale dhiiragalinta soo bandhiga hal abuurka bulshada Caasimadda.

Madasha munaasabdan lagu qabanayay oo ah degmada Kaaraan ayaa degmooyinka ka qeyb galayay waxa ay soo bandhigeen hal abuur kala duwan oo bud-dhig u ah hidaha iyo dhaqanka iyo sidoo kale wax soo saarka dalkeena.

Degmooyinka bilaawga barnaamijkan ka qeybgalay ayaa kala ah degmada Kaaraan, Hiliwaa, Yaaqshiid iyo Shibis oo ah degmooyinka xiga qeybta Bari ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmadada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamud ayaa ka hadlay munaasabadani.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu sheegay in hadafka barnaamijkan uu yahay xoojinta nabada, dhiiragalinta hal abuurka bulshada iyo dib usoo nooleynta hidaha iyo dhaqanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -