Yaa u soo baxay finalka tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada & G/Banaadir (Sawirro)

Kulan ka tirsan tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo galabta ka dhacay garoonka Eng. Yariisow magaalada Muqdisho, iyadoo kulanka ugu dambeeya ee wareega afar dhamaadka ee tartanka ay galabta foodda is dareen xulalka Kubadda Cagta Benaadir iyo Koonfur Galbeed.

Ciyaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Banaadir iyo Koonfur Galbeed oo kala sitay hal ku dhigyo ay ku muujinayeen sida ay u taageersan yihiin tartamada noocani oo kale ah ee la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka oo ahaa mid aad loo soo camiray, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaminayeen Xulka kubadda cagta Banaadir.

Daqiiqaddii 58-aad Ibraahim Ilyaas oo Xulka Banaadir u wata N0. 28aad ayaa u dhaliyay goolka labaad ee ay la yimaadeen Xulka Banaadir, balse daqiiqaddii 63aad Max’uud Ibraahim oo N0: 20aad wata ayaa gool u dhaliyay xulka Koonfur Galbeed, kaasoo cayaarta ka dhigay 2-1.

Cayaarta oo ahayd weerar iyo weerar celis ayaa daqiiqaddii ayaa ku soo idlaatay 3-1 ay guusha ku raacday Xulka kubadda caggta ee Banaadir oo sidaas ku xaqiijiyey inay u gudbeen cayaarta kama dambeysta ah oo ay isku arki doonaan Xulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -