Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoor-qoor oo gaaray Magaalada Garowe iyo wufuud kale oo ku wajahan (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Qoor-qoor ayaa dayuurad ka raacay magaalada Gaalkacyo oo uu maalmahan ku sugnaa.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo RW hore ee Somalia Xassan Cali Khayre iyo xubno kale ayaa sidoo kale maanta ku wajahan magaalada Garoowe.

Waxaa horey ugu sugnaa Garoowe wufuud kale oo ay ka mid yihiin musharaxiinta ka ah Daahir Geelle iyo Mustaf dhuxulow oo shalay halkaas gaaray.

Dhamaan wufuudan ayaa lagu casuumay ka qeyb galka dood uu soo qaban-qaabiyey machadka Heritage, taasoo looga hadlayo xaalada Somalia iyo xiliga kala guurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo wareegto ku Magacaabay Wasiir cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

DEG DEG: Xildhibaan Aamino Max’ed Cabdi oo ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Baladweyne

Caydiid Ali

Ganasade maanta lagu dilay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---