Iska horimaad ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Iska horimaad ayaa goor dhow oo duhurnimadii ah ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada Somalia.

Sida wararku sheegayaan iska horimaadkan oo ka dhacay Ex-Kontrol Afgooye ayaa bilowday markii ay kala shakiyeen ciidamo milareri ah oo watay mootooyin iyo Boolis ku ku sugnaa bar Kontrol oo halkaas ku taalla.

Israsaaseyn muddo kooban socotay ayaa dhexmartay labada ciidan, kaasoo khal khal iyo kala carar ku abuuray dadka iyo gaadiidka ku sugnaa agagaarka goobta la isku fara saaray.

Goob joogayaal ayaa sheegaya iney arkeen dhaawaca lix qof halkaas laga qaadayo kuwaasoo afar ka mid ah ay ahaayeen shacabkii halkaas ka dhowaa oo ay haleeshay rasaastii la isweydaarsanayey.

Xaalada ayaa hadda caadi ku soo laabatay ka dib markii ciidankii milateriga ay isaga tageen goobta, laamaha amaanka DF ayaana weli ka hadlin dhacdadan oo qeyb ka ah dhibaatooyinka lagu qabo ciidamada dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -